Aug 05 (Jowhar) Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay si nabad ah kula wareegtay deegaanka Goobo, oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas.
Goobo ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana uu isku xiraa waddooyinka muhiimka ah ee u dhexeeya degmooyinka Matabaan (Hiiraan) iyo Guriceel (Galgaduud).
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in kooxda Al-Shabaab ay si toos ah ula wareegeen deegaanka iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin. Ciidamadii dowladda ee halkaasi ku sugnaa ayaa isaga baxay deegaanka, waxaana la sheegay in dadka deegaanka badankood ay horey ugu barakaceen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ama maamulka Hirshabelle oo ku saabsan sababta ciidamada ay uga baxeen deegaanka, ama tallaabada laga qaadi doono.
Goobo ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee Al-Shabaab marar hore lagala wareegay, hase yeeshee haatan dib ugu soo laabanaya gacanta kooxda, taasoo su’aalo badan ka dhalinaysa xasiloonida guud ee gobolka iyo istaraatiijiyadda dowladda ee dib u xoraynta dhulka.