Aug 05 (Jowhar)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka tacsiyadeeyay dhibaatadii naf iyo maalba lahayd ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuq-Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho, waxa uuna soo-kabasho degdeg ah ugu duceeyay ganacsatadii ay khasaaradu ka soo gaartay musiibadaasi.
Guddoomiye Muungaab oo kormeeray suuqa ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab taagan yahay dadkii dhibaatada kasoo gaartay dabkii ka kacay Suuq-Bacaad, isagoona Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada, Hey’addaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo soo gurmado dadkii ay dhibaatadu soo gaartay.
Waxa uu ganacsatada ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan sidii loo hagaajin lahaa waddooyinka suuqyada, isagoona caddeeyay in Maamulka Gobolka uu ka caawin doono sidii loo nidaamin lahaa waddooyinka, maadaama marka ay dhibaato noocaan ah dhacdo ay caqabad noqoto in gurmadku ay geli waayaan gudaha suuqa.
Guddoomiyaha Gobalka ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo dadka mas’uuliyada haaya in ay muujiyaan damiir iyo xilkasnimo, kana fogaadaan dacaayado iyo in dhibco siyaasadeed laga raadiyo duruufaha guud ee dadka soo gaaray, isla markaana la joogo waqtigii la isku gurman lahaa.
Kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Agaasimeyaal, Rugta Ganacsiga iyo guddiga Ganacsatada Suuq-Bacaad.