Aug 05 (Jowhar)Siyaasiga caanka ah ee Gurey Fidaar oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa si adag u dhaliilay maamulka Dowlad Deegaanka, isagoo ku eedeeyay in ay qaateen go’aano qaldan oo aan lagu salaynin wada-tashi buuxa.
Gurey Fidaar ayaa si gaar ah carabka ugu dhuftay in maamulka uu ku degdegay ballaarinta iyo dib-u-habeynta qaab-dhismeedka maamul ee deegaanada Soomaalida, isagoo sheegay in loo baahnaa in marka hore lala yeesho wada-tashi maamul goboleedka Oromia iyo qowmiyadaha kale ee deriska ah.
“Waxaan rumeysnahay in arrimaha noocan oo kale ah ay u baahan yihiin qorshe, is-afgarad iyo wada-xaajood qoto dheer, si looga fogaado khilaaf bulsho iyo is-faham la’aan keeni karta dhibaatooyin mustaqbalka ah,” ayuu yiri Gurey Fidaar.
Sidoo kale, siyaasigan ayaa walaac ka muujiyay qaab-dhismeedka cusub ee Soomaalidu u samaysay magaalooyinka Mooyaale iyo Diridhabe, isagoo sheegay in habkan cusub uu halis ku keeni karo nabad ku wada noolaanshaha qowmiyadaha kala duwan ee deggan aagaggaasi.
“Waxaan ku boorinayaa in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac ama xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya Soomaalida iyo qowmiyadaha dariska la ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, Ilaa hadda, ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay madaxda maamulka DDS ama hay’adaha ay quseyso arrintan, iyadoo hadalka Gurey Fidaar uu kusoo beegmayo xilli ay jiraan dooddo xoogan oo la xiriira qaabka maamulka deegaanka uu u wajahayo dib-u-habeynta siyaasadeed iyo midda maamul.