Kooxda Al-shabaab oo dad xoolo dhaqato ah ka afduubatay duleedka Beledweyn

0
232

Aug 06 (Jowhar) Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay saaka afduub u geysatay saddex nin oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo laga watay deegaanka Nuur Fanax, oo u dhexeeya degmada Halgan iyo magaalada Beledweyne.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ragga la afduubtay ay yihiin dad shacab oo xoolo dhaqato ahaa, islamarkaana aan wax xiriir ah la lahayn dowlad ama ciidan rasmi ah. Lama oga illaa iyo hadda halka ay kooxdaasi la aadeen raggii ay afduubteen iyo waxa ay ka damacsan yihiin.

Afduubkan ayaa lala xiriirinayaa dhacdo horey uga dhacday gobolka, taasoo ay ku lug lahaayeen dad deegaanka ah oo ka tirsan beelaha loo yaqaan “Macwuusleyda” – oo ah kooxo hubeysan oo deegaanka ah, kana soo horjeeda Al-Shabaab. Sida la sheegay, Macwuusleydu waxay dhowaan si gaadmo ah u dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, hubkii ay siteenna way ka qaateen.

Xaaladda amni ee gobolka Hiiraan ayaa wali ah mid kacsan, iyadoo ay socdaan isku dayo ay dadka deegaanka isugu dayayaan inay iska difaacaan kooxda Al-Shabaab, xilli howlgalada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gaabis ku yimid qeybo badan oo gobolka ah.