Aug 06 (Jowhar)-Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay deegaanka Suufta, oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.
Kulankaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Jubbaland, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo saraakiil ciidan oo ka socda maamulkaasi.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay taagantahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka taagan Gobolka Gedo, taasoo salka ku haysa loollan u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa si isdaba joog ah u muujinaysay mowqif u janjeera taageeridda Jubbaland, taasoo maalmihii lasoo dhaafay si toos ah umuuqatay.
Taageerada Itoobiya ee Jubbaland ee sii xoogeysanaya ayaa loo arkaa mid xambaarsan fariin diblomaasiyadeed iyo mid amni, gaar ahaan marka la eego loolanka Gobolka Gedo.