Wasiiro ka tirsan Ghana iyo Lix ruux oo kale oo ku dhintay shil diyaaradeed

0
97

Aug 06 (Jowhar)Wasiirada Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday diyaarad Helikobter ah oo shil ku gashay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi, sida ay sheegtay dowladda Ghana.

Dadka kale ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkan waxaa ka mid ah Alhaji Mohammad Muniru Limuna, oo ahaa ku-xigeenka isku-duwaha ammniga dalkaasi, horayna usoo noqday wasiirkii beeraha, iyo Samuel Sarpong, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee uu hoggaamiyo Mahama.

Ciidamada cirka Ghana ayaa horey u sheegay in diyaarad militari ah oo ahayd helicopter ay ka luntay raadaarka wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Accra, iyadoo kusii jeeday magaalada Obuasi oo ku taalla waqooyiga galbeed ee caasimadda.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono, halka madaxweyne Mahama uu hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah si loo muujiyo murugada dhacdadan.