Dowladda Soomaaliya oo Qas wade ugu yeertay madaxweyne xigeenka Jubaland

0
283

Aug 07 (Jowhar)-Dowladda Soomaaliya ayaa aamuskii ka baxday kaddib War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha oo lagu sheegay in xaaladda gobolka Gedo tahay mid ay gacanta ku hayso.

Dowladda ayaa qaswade ugu yeertay Madaxweyne Xigeenka Jubaland Maxamud Sayid Aadan, waxayna ku eedaysay inuu fal dambiyeed gacanta kula jiro, sida ka muuqata warka Dowladda.

Dhanka kale Dowladda ayaa sheegtay in wararka la xiriira Gedo ay yihiin Been Abuur la faafiyay. Marka la fasiro warka Dowladda Soomaaliya  waxay beeninaysaa in Dowladda Ethiopia ay ku lug yeelatay arrimaha ka socda gobolka  Gedo ee Soomaaliya.