Aug 07 (Jowhar) Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka Gedo iyo qulqulatooyinka sii kordhaya oo ay ku eedeeyeen inuu hurinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ujeedka xiisadda cusub ee Gedo ayey sbaab uga dhigeen iney ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka, iyaglo tilmaantay in qorshaha cusub ee dowladda uu yahay in colaadaha gobolka Gedo uu ku fido dalalka dariska ah, arrintaas oo halis ku ah xasilloonida gobolka, kana dhalan karta cawaaqib aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha la wadaagtay siyaasadda cusub ee maaraynta qashinka magaalooyinka, iyada oo lagu saleeyay badbaadinta deegaanka iyo iyo bilicda Magaalooyinka.