Aug 07 (Jowhar)-Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daahfuray Madasha Somali Business, oo ah madal bixineysa xog sugan oo isugu jirta; Warbixinno lagu falanqaynayo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, Saadaalinno ku saabsan isbeddellada suuqa iyo kobaca dhaqaalaha, Daraasado la xiriira jihada ganacsiga & maalgashiga iyo Warbixinno lagu lafaguraya dhaqaalaha dalka.
Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale, Waxbarashada, dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo daneeya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Aasaasaha iyo Maamulaha Madasha Somali Business Dr Abdinor Dahir ayaa ugu horreyn Xafladda Daahfurka kusoo dhoweeyay martida, waxa uuna xusay muhiimadda ay somali Business u leedahay horumarinta dhaqaalaha soomaaliya iyo sababaha keennay aasaasitaanka madasha oo ugu horeyso sidii loo heli lahaa xog habaysan oo sugan oo lagu go’aan qaadan karo.
Waxaa sidoo kale Xafladda Daahfurka Somali Business laga jeediyay qudbadooyin kala duwan kuwaas oo lagu bogaadiyay laguna soo dhoweeyay furitaanka madasha Somali Business.
Waxaana martida kamid ahaa 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 & 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 Hon Mohamud Abdirahman Beenebeene, Mudane Abdiqafar Hange oo ah 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐃𝐫. 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐝𝐚𝐦 𝐇𝐨𝐬𝐨𝐰, 𝐋𝐚𝐭𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐅𝐒 𝐞𝐞 𝐚𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐃𝐫. 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐊𝐡𝐚𝐝𝐚𝐫 𝐀.𝐉𝐚𝐦𝐚 oo ah 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, Guddoomiye Ku Xigeenka Bangiga Dhexe 𝐃𝐫 𝐀𝐥𝐢 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡, Abdirahman Yusuf Al-adala, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan Galanbi, Guddoomiye Ku Xigeenka Rugta ganaciga Soomaaliya iyo qaar kale.
Madashan ayaa la filayaa in ay noqoto isha koowaad ee laga helo xogaha maalgashi ee dalka, saadaasha suuqa, falanqaynta dhaqaalaha, iyo daraasadaha ganacsiga, iyadoo la filayo in ay si gaar ah uga faa’iideystaan ganacsatada, dhaliyarada hal abuurka leh, iyo hay’adaha dowladda.
Dhammaan ka qaybgalayaashii xafladda ayaa si weyn usoo dhaweeyay madashan cusub, iyagoo muujiyay baahida loo qabo in xogaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya la habeeyo, lana helo meel isku keenta xogtaas oo si joogto ah looga heli karo.