India oo Amisom iyo beesha caalamka ugu baaqday xoojinta dagaalka Shabaab

Mar 27 (Jowhar.com) – Dowladda India ayaa si kulul uga hadashay weeraradii dadka badan ay ku dhinteen ee arbacadii ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyn, iyadoo weeraradaas ay geysatay kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda India ayaa lagu sheegay in weerarada Shabaab ee sii kordhaya ay walaac ku heyso, iyadoo muujisay in dhibaatooyinka ka dhashay aysan ku koobneyn oo kaliya gudaha dalka

“Dhacdooyinka sii kordhaya ee falalka argagixisanimo ee ay geysanayaan Al-Shabaab waa arrin walaac weyn leh, argagixisanimadu khatar kuma ahan Soomaaliya oo kaliya, balse waxay khatar ku tahay caalamka oo dhan” ayaa lagu yiri qoraalka oo la soo saaray laba maalin kadib duulaanada.

India oo xuduud dhanka biyaha ah la leh Soomaaliya ayaa ku boorisay Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo beesha caalamka “in ay sii wadaan garab istaagga Soomaaliya oo dagaal kula jirta maleeshiyada Al Shabaab,”.

“waxaan mar kale ku celineynaa inaan si buuxda u garab istaaganahay howlgallada ay wadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, India waxay sii wadi doontaa taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda ee rabitaankooda wadajirka ah ee ku aaddan mustaqbal xasilloon, ammaan ah iyo nabad.” ayaa lagu soo gaba gabeeyay bayaanka xukuumadda New Delhi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More