Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo qarax lagula eegtay gobolka Waqooyi Bari Kenya

June 08 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qarax oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo shaqo u jooga dalkaasi Kenya.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow ee Magaalada laamu, waxaana mid kamida labadaasi qarax uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamada booliska dalka Kenya, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka ayaa sheegtay in qaraxa uu qabsaday gaariga uu saarnaa Injineerka u dhashay dalka Shiinaha oo ay ilaalo ka hayeen Ciidamada Kenya, waxa ay sheegteen in weerarka ay ku dileen Injineerka oo bartilmaameedka u ahaa.

Si kastaba, Majirto wali wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dalka Kenya oo ku aadan weerarkan, waxaana inta u dhaxeeysa deegaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow ee Magaalada laamu ka socda howlgalo balaaran ay sameynayaan ciidamada amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More