Inkabadan 10 qof oo ku geeriyootay roobabkii ka da’ay Baydhabo iyo Gaalkacyo

Nov 06 (Jowhar.com)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah ay halka ka da’een saacaidihii la soo dhaafay kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay dadka gaarahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee duleedka magaalada.

Inkastoon tiro dhabta ah ee khasaaraha roobabka ka dhashay aan la xaqiijin, haddana waxaa lagu soo waramayaa in lix ruux oo ay carruur ku jiraan ay ku dhinteen daadadka iyo biyaha ku soo rogmaday xeryaha iyo guudahaan magaalada.

Qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka da’aya roobab xooggan oo dhaliyay khasaare dhimasho, burbur iyo barakac.

Dhinaca kalena, Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay inay saddex qof oo shacab ahi ay ku geeriyoodeen roobkii cuslaa ee habeen hore ka da’ay magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dhici karto in dhimashadu intaas kasii badato, isla-markaana ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dad lagu weli lagu la’ yahay halkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More