Inkabadan 20 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Maine ee Mareykanka

Oct 26 (Jowhar.com)-Saraakiisha gobolka Maine ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in boqollaal ka tirsan ciidamada dalkaasi ay ku lug leeyihiin raadinta nin toogasho wadareed ka gaystay magaalada Lewiston.

Waxay sheegeen inuu jiro khasaare kala duwan, iyadoo warbaahinta Maraykanku ay ku warramayso in in ka badan labaatan qof laga cabsi qabo inay dhinteen.

Dhimashada weerarku sababay waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya tiro u dhaxeysa 16 ilaa 20.

Booliska ayaa baahiyay sawirrada ninka lagu tuhmayo in weerarka uu ka dambeyay, waxaana shacabka loogu baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii loo soo qaban lahaa edaysanaha.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Robert Card, waa nin ku xeel dheer arrimaha dhanka hubka oo ay ciidamada Mareykanka ku tababareen magaalada Saco ee gobolka Maine, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska gobolka oo ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Warka ayaa sheegaya in ninkaan uu wakhti ku qaatay xarun dhanka caafimaadka dhimirka ah, isagoo horey ugu hanjabay in uu weerar qaadi doono.

Waxaa la baahiyay labo sawir oo tuhmane ah, iyadoo la sheegay in uu hadda ku sugan yahay meel ka fog gobolka isla markaana laamaha ammaanka ayaa dad weynaha waydiistay in gacan laga siiyo sidii ninkaan loo soo qaban lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More