Inkabadan 20 Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Sh.Hoose
Feb. 12 (Jowhar.com- Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay weerar ay kula beegsatay kooxda Al-Shabaab deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in inkabadan 18 Shabaab ah lagu dilay weerarkan oo dhinaca cirka ahaa, iyadoo kooxdan lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada oo ay saarnaayrrn iyo kuwo ku dhuumanayay geedo hoostooda.
Wararka ayaa tilmaamaya in dhowr gantaal oo lala dhacay kooxda oo laba garab u qeybsaneyd lagu baabi’iyay, iyagoo noqday kuwa dhinta, kuwa dhaawacma iyo tiro yar oo goobta orod uga baxsatay.
Howlgalkan oo ay wada fuliyeen ciidanka Nabad Sugidsa iyo saaxiibada Caalamka ayaa ujeedkiisa ahaa mid looga jawaabayay weerar culus oo Shabaab shalay ay ku qaadeen xero ciidamadda dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Sabiid, Shabaabku waxey sheegteen in duulaankaasi ay xerada kula wareegeen, jab xooganna ay gaarsiiyeen ciidankii dowladda.
Si kastaba, ciidanka dowladda ayaa garab istaag joogta ah ka hela diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Turkiga xiliyada weerarka cag marinta ah ay kusoo qaadaan Shababaku, taasoo kooxda gaarsiisa jab xooggan.