Inkabadan 200 Shabaab si aad ah u hubeysan oo gudaha u galay dowlad deegaanka.

July 24 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa BBC u sheegay in dagaalyahanno cusub oo Al-Shabaab ka tirsan ay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wuxuu intaa ku daray in dadka deegaanka ay u sheegeen in dagaalyahanno lagu qiyaasay 200 ay ka tallaabeen Gobolka Hiiraan isla markaana ay galeen dhinaca Itoobiya.

“Markii aan dadka weydinayay, waxay noo sheegeen in ilaa 200 nin ay ku dhaw yihiin” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo kuwa Soomaaliya ay iska kaashanayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dagaal ka dhan ah Shabaab.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More