Inkabadan toban Askari oo Kenyan ah oo ku dhaawacantay qarax miino oo ka dhacay Lamu
Sep 12 (Jowhar.com)-Afar iyo toban askari oo ka tirsan militariga Kenya ayaa ku dhaawacmay Axadii kadib markii gaari nooca xamuulka ah oo ay wateen uu dul maray miino dhulka lagu aasay deegaanka Baure oo ka tirsan gobolka Lamu.
Gaariga xamuulka ah ee ay wateen ciidamada Kenya ayaa isticmaalayey wadada Baure-Drum ee sahayda ugu weyn marka ay jiireen walxaha qarxa,waxana uu burburiyay gaariga oo dhan.
Booliska ayaa rumeysan in qaraxa ay ka danbeeyeen dagaalyahanada Al Shabaab ee ka howlgala gudaha Keymaha Boni.
KDF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in askartu ay roondo ku joogeen wadada Milimani Bare markii ay jiireen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Arrintan ayaa timid maalin kadib markii shil kan la mid ah uu sababay dhaawac halis ah oo soo gaaray laba ka mid ah shaqaalaha dhismaha ee Baragooni.
Labada qof ayaa Sabtidii dhaawacmay kadib markii gaari ay wateen uu jiiray bam la dhigay wadada Baragooni.
Burbur xooggan ayaa soo gaaray gaariga, sida ay booliisku sheegeen. Waxaana la dhigay isbitaalka iyagoo xaaladooda aad u liidato, sida ay booliisku sheegeen.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada booliska oo daqiiqado kadib goobta ka sameeyay ayaan wax miro ah kasoo bixin maadaama kooxihii ka dambeeyay weerarka ay baxsadeen.
Bishii Agoosto, in ka badan 10 qof ayaa lagu dilay aaggaas weeraro argagixiso oo kala duwan.Tobaneeyo guri ayaa sidoo kale lagu gubay weerarada.
Howlgallo ballaaran ayaa ka socda deegaankaas oo looga hortagayo weerarrada la xiriira Al Shabaab, kuwaas oo dhaca dartood kuwa kale, ee u dhow xadka ugu weyn ee Kenya iyo Soomaaliya.
Deegaanka ku dhow xadka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay weeraro argagaxiso.
Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dowladda ku qasbay in ay hakiso qorshaha lagu furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya. Tani waxay sidoo kale saamaysay mashaariic horumarineed oo kala duwan.