Iran oo Digniin adag ka soo saartay duqeynta Isra’il ee Qaza

Oct 14 (Jowhar.com)-Iran ayaa dalbatay in Israa’iil ay joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza, iyadoo ka digtay in dagaalku uu ku fidi karo qaybaha kale ee Bariga Dhexe haddii Xisbullah ay ku biirto dagaalka, iyadoo intaas ku dartay in Israa’iil ay la kulmi karto dhul gariir weyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, oo warbaahinta kula hadlay Beyruut ayaa sheegay in kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay tixgalisay dhammaan xaaladihii dagaal, balse Israel ay tahay inay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza.

Amir-Abdollahian ayaa sheegay in uu la kulmay hogaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah.

“Tallaabo kasta oo iska caabintu Xisbullah ay qaadi doonto waxay sababi doontaa dhulgariir weyn oo ku dhaca hay’adda Sahyuuniyadda,” ayuu yiri.

Wararka kale ee ka imanaya Falastiin ayaa waxaa ka mid ah;

Hogaamiyaha Xamaas oo ka hadlay dagaalka u dhexeeya ururkiisa iyo Isra’iil. Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay xasuuq ka geysatay marinka Qaza .

“Cadowgeena ayaa tan la sameynaya maamulka Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub,” ayuu yiri.

“Dadka Gaza deggan dhulkooda ayay joogayaaan,weligoodna kama bixi doonaan Gaza mana u carari doonaan Masar,” ayuu raaciyay.

“Waxaan salaamayaa dadka reer Gaza ee wajahaya weerarka waxashnimada ah ee Sahyuuniyadda.”ayuu yiri Haniya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadallada ku saabsan in ay caadiyeyso xiriirka Israa’iil, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Sida laga soo xigtey sarkaal la socday wadahadalada u dhexeeyay labada wadan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP Sacuudi Carabiya ay go’aansatay in ay hakiso doodda la xiriirta suurtagalnimada in xiriirka caadi laga dhigo, iyagoo ku wargeliyay saraakiisha Mareykanka.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken uu Sabtida maanta ah la kulmay dhiggiisa Sacuudiga, taasi oo ah booqashadii ugu dambeysay oo uu ku marayo lix dal oo gobolka ah.

Dhinaca kale wararkii u dambeeyay ee Falastiin ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar ay ku dhinteen ka dib markii kolonyo baabuur ah oo ku sii jeeday koonfurta Qaza la duqeeyay. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku eedaysay Israa’iil inay ka dambeysay weerarka.

Mudadii kama danbaysta ahayd ee Falastiiniyiinta lagu amray inay ugaga baxaan waqooyiga Qaza ayaa dhamaatay Maamulka Israa’iil ayaa muddo kordhin u sameeyay dadka Falastiin balse dadka badankiis ayaa diidey inay ka baxaan waqooyiga Qaza.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa loo sheegay inay ka baxaan iyagoo isticmaalaya laba waddo oo ammaan ah ka hor weerar la filayo in Israa’iil ay ku qaado Xamaas.

In ka badan 2,200 oo qof ayaa lagu dilay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay marinka Qaza iyadoo tiro ka badan toddobo boqol oo dadkaas ka mid ahna ay yihiin carruur.

Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa ka digay in sharciga caalamiga ah uu mamnuucayo nooca daadgureynta ballaaran ee Israa’iil ay amartay marinka Qaza.

“Israa’iil waxay xaq u leedahay inay is difaacdo balse mar walba waa inay ku jirtaa xadka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, kaas oo aan ogolayn in Falastiiniyiinta laga daadgureeyo Gaza, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Spain Sanchez.

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka rayidka ah ee Israa’iil oo ay maxbuus ahaan u qabsadeen dagaalyahannada Xamaas weerarki todobaadkii hore ayaa mudaaharaad ka dhigay Tel Aviv iyagoo ugu baaqay dowladda inay soo badbaadiso qaraabadooda.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu xilka isaga dago sababo la xiriira guul-darradii ciidanku ka gaareen weerarka Xamaas.

Dhinaca kale, Dowladda Mareykanka ayaa ku dhiirigelinaysa muwaadiniinteeda ku sugan Qaza inay u guuraan dhanka koonfureed ee marinka Rafax ee Masar.

Hogaamiyihii hore ee Xamaas Khaled Meshal ayaa sheegay in waxa ay dableydu sameeyeen sabtidii hore ay ahayd isku day ay ku doonayeen in ay ku soo afjaraan gumaysiga Israa’iil uuna ku faanayo.

Isagoo la hadlayay TV-ga Haberturk ee Turkiga, madaxa arrimaha dibadda ee Xamaas, Khalid Meshal, wuxuu intaas ku daray in colaaddu aysan billaaban todobaadkii hore, balse ay billaabatay sannadkii 1948-kii.

“Israa’iil waxay sheegtay in ciidankoodu uu ahaa kii ugu xoogga badnaa oo aan laga adkaan, markii aan aragnay in saacado yar gudahood lagu jabiyay, annaguna waan la yaabnay,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey Xamaas inay laysay dad rayid ah, carruur iyo dad waayeel ah, waxa uu yiri: “Waxaan u sheegaynay in aanay sidaas yeelin, laakiin xilliyada dagaalka, dhacdooyinkani way dhici karaan, miyaanay ahayn waxa Israa’iil ay mar walba sheegto, in aysan dad rayid ah dileynin balse, si ula kac ah ayay dadka rayidka ah u dishaa?”

Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay Francesca Albaneseayaa ka digtay in falastiiniyiintu ay halis weyn ugu jiraan isir sifeyn ballaaran, wuxayna ugu baaqday bulshada caalamka inay dhexdhexaadiyaan xabbad joojinta.

“Xaaladda dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil waxay gaartay heer xun,” ayay tiri Francesca Albanese, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dhulka la haysto ee Falastiin.

“Waxaa jirta khatar aad u weyn oo ah in waxa aan arkayno ay noqon karaan soo noqnoqda Nakba 1948, iyo Naksa 1967, amaba miisaan ka weyn. Beesha caalamku waa inay wax walba u sameeyaan sidii ay taasi mar kale u dhici lahayn,” ayay sii raacisay.

Waxaa Diyaariyay Mohamed A.Aseir
mohacaseyr@hotmail.com
xigasho;Aljazeera,Bbc iyo wakaalado warar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More