Mar 12(Jowhar)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in Tehran aysan aqbali doonin in dhinacyada ka soo horjeeda ay bilaabaan dagaal markay doonaan kadibna ay dalbadaan xabbad-joojin markay doonaan.
Bayaan uu soo saaray afhayeenku ku cadeeyey in Iiraan ay u aragto in dagaalka hadda socda uu yahay weerar lagu soo qaaday dalkeeda, sidaas darteedna aysan suurtagal ahayn in la joojiyo colaadda iyadoo aan la helin xal caddaalad ah.
Iran, saaka 6 wadan oo la hadlay jawaabtan oo isku mid ah ayay siisay oo ah in Nabadda xal dhinac aan laga raadin?









