Isfaham laga gaaray shaqaaqo dhawaan ka dhacday deegaanka Gobadley ee gobolka Banaadir

Waxaa is faham hordhac ah laga gaaray shaqaaqo maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Gubadley ee degmada Kaaraan, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ay kala hoggaamiyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo kala ah G/sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay inuu isu keeno labadan Sarkaal ee xurgufta u dhaxeeysay, waxaana gogol uu maanta u dhigay is faham hordhac looga gaaray wixii dhacay, isla markaana is dhexgal ay muujiyeen labada ciidan ay kala hoggaaminayeen saraakiishan ee maalmo ka hor iska hor imaadka dhex maray, waxaana loo balansan yahay in maalmaha soo socda la fidiyo gogol ballaaran oo lagu soo afjarayo xurguftaas.

Khilaaf soo kala dhex galay labadan sarkaal ayaa sababay in ciidamo kala taabacsan uu dagaal ku dhex maray duleedka bari ee magaalada Muqdisho waxaana ka dhashay waxyeelo soo gaartay ciidamadii dagaalamay halka qoysas degenaa meelaha ku dhow dhow halka dagaalka uu ka dhacay ay ku barakaceen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More