ISIL oo xaqiijisay in hogaamiyaheedii la diley mid kalana magacawday

Mar 11 (Jowhar.com)Kooxda ISIL (ISIS) ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in hogaamiyahooda lagu dilay weerar uu Mareykanka ka fuliyay waqooyiga galbeed ee dalka Siiriya bishii lasoo dhaafay, iyadoo la magacaabay badalkiisa.

Waa falkii ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay kooxda hubaysan ka soo saarto hogaamiyahooda Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi tan iyo markii ay saraakiisha Maraykanku sheegeen in uu is qarxiyay isaga iyo xubno qoyskiisa ka tirsan, iyadoo ciidamada Maraykanku ay weerareen goob uu ku dhuumaalaysanayay oo ku taal magaalada Atmeh ee waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya, una dhaw xuduudka Turkiga.

“Abu Ibrahim al-Qurayshi iyo afhayeenka rasmiga ah ee kooxda isku magacowda Dawladda Islaamka Abu Hamza al-Qurayshi… ayaa la dilay maalmihii la soo dhaafay,” afhayeenka cusub ee kooxda, oo magaciisa lagu sheegay Abu Omar al-Muhajer, ayaa sheegay Khamiistii.

Al-Muhajer ayaa sidoo kale sheegay in ISIL ay magacawday ninkii bedeli lahaa hogaamiyihii hore, isaga oo ku sheegay magaciisa Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi, wuxuuna sheegay in madaxii hore ee ISIL uu u doortay inuu noqdo khaliifka xiga.

Weerarkii Mareykanka ee bishii hore ayaa ahaa markii labaad ee saddex sano gudahood uu Mareykanku ku dilo hoggaamiyihii ugu sarreeyay ISIL.

ISIL waxa ay sheegtaa in hogaamiyayaasheeda ay ka soo jeedaan qabiilkan “al-Qurayshi” waxa uu u adeegaa qayb ka mid ah hogamiyaha IS.

“Waa uu aqbalay hoggaanka,” al-Muhajer ayaa ka yiri madaxa cusub ee ISIL, isagoo aan sheegin magaciisa saxda ah.

Bishii Janaayo, ISIL ayaa weerar ku qaaday xabsi ku yaal waqooyi bari Suuriya oo ay ku xirnaayeen ugu yaraan 3,000 oo maxbuus ISIL ah, waxaana ka dhashay 10 maalmood oo isku dhacyo ah oo ay la galeen dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ee uu Maraykanku taageero.

Dagaalladan ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 120 dagaalyahan oo Kurdiyiinta Suuriya ah iyo shaqaale xabsiyada, iyadoo ay la socdeen 374 dagaalyahan oo ISIL ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More