Iskahorimaad ku dhex maray Israel Soo galooti Eritrean ah

Sep 02 (Jowhar.com)-In ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacantay isku dhacyo u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda oo ka soo jeeda dalka Eritrea oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee Isra’il.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii boqolaal Eritrean ah oo ka soo horjeeda dowlada Eritrea ay ku dhawaadeen goob ay ka socotay munaasabad lagu taageerayay dowladda.

Dibad-baxayaashu waxay jabiyeen xayndaabyadii booliiska waxayna burburiyeen muraayadaha gaadiidka booliiska iyo baabuurta kale iyo sidoo kale daaqadaha dukaamada u dhow, sida uu sheegeen saxafiyiin goobtaas ku sugnaa.
Sidoo kale waxaa u suurta gashay in ay gudaha u galaan goobtii ay ka socotay safaarada Eritrea oo ay ku jabiyeen kuraastii iyo miisaska.

Magen David Adom, adeega caafimaadka degdega ah ee Israel, ayaa sheegay in ay daweeyeen 114 qof, kuwaas oo sideed ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay taageerayaasha dowladda Eritrea oo budad ku garaacaya dibadbaxayaasha ka soo horjeeda dowladda.

Dadka ku dhaawacmay isku dhacan ayaa waxaa kamid ah illaa soddon askari oo kamid ahaa ciidamadii doonayay inay kala dhex galaan kooxaha iska soo horjeeday.

Booliska ayaa sheegay in ay xireen 39 ka mid ah dadkii banaanbaxayay kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay dhagxaan ku tuureen ciidamada booliska.

Madaxweyne Isaias Afwerki oo 77 jir ah ayaa soo xukumayay Eritrea tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1991.
Asmara waligeed doorasho ma qaban. Xisbiyada siyaasadda waa la mamnuucay, waxaana si weyn loo xaddiday xorriyadda hadalka iyo saxaafadda.

Ma jiro baarlamaan ama maxkamado madax bannaan ama ururrada bulshada rayidka ah. Intaa waxaa dheer, waxaa jira adeeg ciidan oo qasab ah iyo nidaam shaqaale qasab ah, kaas oo ay ka cararaan dad badan oo Eriteriyaan ah.

Bannaan-baxayaasha dowladda ka soo horjeeda ayaa horay uga codsaday booliiska in la joojiyo xafladda lagu taageerayay dowladda, taasoo ay soo qabanqaabisay safaaradda Eritrea. Kala qaybsanaan xooggan ayaa ka dhex jirta ku dhawaad ​​20,000 oo Eritrean ah oo ku nool Israa’iil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More