Israaiil oo kordhisey caawa duqeynta magaalada Qaza

Oct 27 (Jowhar.com)-Ciidamada cirka iyo dhulka Israa’iil ayaa kordhiyey duqeynta ay ku hayaan magaalada Qaza caawa iyadoo isgaarsiinta magaaladana ay go’oday.

Adeegga internetka iyo taleefoonnada gacanta ayaa laga jaray dhulka Falastiin, sida ay sheegeen shirkad isgaarsiineed oo maxalli ah iyo Bisha Cas.

Sarkaal u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay xoojiyeen weerarada Gaza lagana yaabo in duulaan dhinaca dhulka ah uu bilaabanayo.

Horaantii Jimcihii, shirkadda Falastiiniyiinta ee adeegga taleefanka gacanta ee Jawawal ayaa sheegtay in adeegyadii ay ka mid ahaayeen taleefoonnada iyo internetka ay gooyeen duqaymo xooggan.

Bayaan ay soo saartay hay’adda bisha cas ee Falastiin ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba ay lumisay xiriirkii ay la lahayd xarunta ay ku shaqeyso ee Gaza iyo dhammaan kooxaheeda ka howlgala dhulka.

Israa’iil waxay sheegtay in ay diyaarinaysay duullaan dhanka dhulka ah, balse ay Maraykanka iyo dalalka Carabta ku booriyeen in ay dib u dhigaan hawlgal kordhinaya tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay xeebaha ay dadku ku badan yihiin, lagana yaabo in uu huriyo colaad ballaaran.

Hawlgalka noocan oo kale ah ayaa uga sii dari doona dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza ka dib maalmo duqeymo xagga hawada ah oo maamulka caafimaadka Xamaas ay sheegeen in ay ku dhinteen in ka badan 7,000 oo Falastiiniyiin ah.

Walaaca ku saabsan khatarta ka dhalan karta iskahorimaad ballaaran oo Bariga Dhexe ah ayaa kor u kacay maalmihii la soo dhaafay iyada oo Maraykanku u dirayo dhaqaale badan oo milatari ah gobolka.

Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ayaa uga digay kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto ee ka dagaalanta Lubnaan inaysan soo faragelin, waxayna Washington u dirtay gobolka laba markab oo kuwa diyaaradaha qaada ah si ay farriinta u xoojiyaan.

Hamas waxay ugu yeertay Falastiiniyiinta qurba-joogta ah, Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Jerusalem, iyo kuwa ku sugan “dhulka 1948” (ereyga dad badan oo Falastiiniyiin ah ayaa u adeegsada Israel, iyadoo la tixraacayo 1948 Nakba) inay is abaabulaan si ay u taageeraan Gaza.

Bayaan ay soo saartay, kooxdu waxay ku sheegtay inay u haysato Israa’iil, Maraykanka, iyo waddamada kale ee reer galbeedka ah ee taageera Israa’iil waxa ay ugu yeertay “mas’uuliyadda buuxda ee xasuuqa foosha xun” ee lagu hayo dadka Gaza.

Kooxda ayaa ugu baaqday dowladaha Carabta iyo sidoo kale beesha caalamka in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo dambiyada iyo xasuuqaka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More