Israa’il oo duqeyn ku burburisay Qunsuliyada Iiraan ee magaalada Dimishiq

Apr 01 (Jowhar.com)- Dhowr qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku burburisay qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda Iiraan iyo maamulka Suuriya.

Sarreeye Guuto Mohammad Reza Zahedi, oo ah taliye sare oo ka tirsan ciidamada Quds ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa ka mid ahaa ugu yaraan shan qof oo lagu dilay weerarka, sida ay sheegtay warbaahinta Iran Isniintii.
Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in dhowr dublamaasiyiin u dhashay Iran la dilay.

Israa’iil oo marar badan duqeysay xarumo Iran ay leedahay intii uu socday dagaalka lixda bilood ah ee Gaza, waxayna diiday inay ka hadasho dhacdadan.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa yiri: “Kama faalloonno wararka ay qorayaan warbaahinta ajnabiga ah.”
Tan iyo markii kooxda Xamaas ee taageerta Iran ay weerar ku qaadeen Israa’iil 7-dii Octobar, Israa’iil waxa ay xoojisay duqeymaha Suuriya ee ka dhanka ah maleeshiyada Xisbullah ee ay Iran taageerto ee Lubnaan iyo Ilaalada Iran, kuwaas oo labaduba taageera xukuumadda Bashaar Al-Asad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More