Israel oo duqeymo hor leh ku dishay 45 Falastiiniyiin ah

Jun 22(Jowhar.com)Ciidamada Israel ayaa duqeymo culus Jimcihi shalay ku garaacay deegaanno ka tirsan koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 45 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal iyo ilaha caafimaadka Gaza.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in ciidamada Isra’il ay labadi maalin ee lasoo dhaafay xoojiyeen duqeymaha cirka iyo dhulka ah ee Rafax, halkaas oo ay isku dayayaan in ay qabsadaan.

Ciidamada Isra’il ayaa weerarka Rafax billaabay horraantii bishi May, waxay qabsadeen waqooyiga, koofurta, iyo bariga, iyaga oo hadda kusii siqaya dhanka galbeed.

Rafax oo bilooyin ka hor aheyd hoyga in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin u badan qaxooti iyo barakac, ayaa hadda u muuqata mid haawaneysa. Qaramada Midoobay iyo saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay, in dad lagu qiyaasay 100 kun ay ku hareen Rafax, iyadoo dadka intiida badan ay u barakaceen dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka ee Gaza.

Waaxda Caafimaadka Gaza ayaa ku warrantay in duqeymihi cuslaa ee ay ciidanka Isra’il Jimcihi u geysteen xaafadda Mawasi ee galbeedka Rafax ay ku dileen ilaa 25 qof , sidoo kalana ay dhaawaceen 50 kale. Dadkaas ayaa waxaa teendhooyin ay ku noolaayeen ugu soo galay madaafiicda taangiyada, sida ay sheegeen goob joogayaasha.

Meelaha kale ee ay ciidanka Isra’il dadka ku dileen shalay ayaa waxaa ka mid ah degmada Khan Younis, nawaaxiga Waqooyiga Gaza iyo dhinaca xeebta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More