Sep 09(Jowhar)-Israel ayaa fulisay weerar ka dhan ah hoggaanka Xamaas ee ku suganDoha,qarax xooggan ayaa laga maqlay caasimadda Qatar.
Wali lama sheegin cidda sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday, balse hoggaamiyeyaasha Xamaas waxay caasimadda Qatar u isticmaali jireen xarun dibadeed oo ka baxsan Gaza muddo sanado ah.
Isniintii, madaxa wada xaajoodka Xamaas Khalil Al-Hayya ayaa kulan kula yeeshay magaalada Doha Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Israel ka fuliso gudaha Qatar.