Itoobiya “Go’aanka bixitaanka ciidamadeenu Soomaaliya kaliya ma quseeyo”

Jun 27(Jowhar.com)Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in labada nooc ee ciidammada ah Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay in uu jiro codsi uga yimid dawladda Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga dalbanayso in ay ciidammadeeda ka saarto Soomaaliya.

“Sidaan kuu sheegay codsigu ma aha mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddii se uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda na la saaray, Beesha Caalamku haddii ay danaynayso joojitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno. Laakiin inta ka horraysa ma doonayno in aan arrimhaasi galno. Annaga waa noo fududahay. Marka aniga iyo adigu aan u wada hadalayno sidii laba qof oo Itoobiyaan ah, ciidankeenna in aan soo celinno oo aan dejinno aag dagaalka ka caaggan/ buffer zone waa noo fududahay. Sidaas darteed, ciidanka cusub ee Soomaaliya loo diri doono weli waa xilli hore oo ay adag tahay in la saadaaliyo.”

Itoobiya waxa ay sheegtay in bixitaanka ciidamadeedu aanu qusayn keliya Soomaaliya balse ay tahay arrin u taalla Beesha Caalamka. Isaga oo ka hadlaya arrimahan Nebiyu Tedla waxa uu yidhi:

“Hawlgalka nabad-ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya. Ma aha mid keliya khuseeya dawladda Soomaaliya. Waa masuuliyad caalami ah. Waa hawlgal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada hadalaynaa waxna waa la iska weyddiinaynaa. Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dawaldda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.”

Ururka Alshabaab ayaa la xasuusan yahay in sannadkii la soo dhaafay uu hawlgallo ka fuliyay gudaha Itoobiya. Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo amnigeeda ay ku ilaashan karto oo ka dhan ah Soomaaliya.

“Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More