Itoobiya oo sheegtay iney dishay 450 Shabaab ah

Sep 21 (Jowhar.com)-Dowladda Itoobiya ayaa iska fogeysay muuqaal ay soo saartay al-Shabaab, kaasoo ay kooxdu ku sheegtay in weerar ay ku qaadeen kolonyo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Soomaaliya ay ku dileen 167 askari.

Ciidamada Itoobiya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay gabi ahaanba ay fashiliyeen isku day weerar oo Axadii ay soo qaadeen 450 xubnoodoo ka tirsan al-Shabaab.

Col Feyisa Ayele oo ah Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale wadada uga tageen Saddex Gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kuwaasi oo ciidamadooda ay burburiyeen. Ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray Itoobiya sida uu hadalka u dhigay.

Waa dhif iyo naadir in ciidamada Itoobiya ay ka jawaabaan weerarada ka dhaca Soomaaliya, halkaas oo ciidamadooda ay ku taageerayaan dowladda isku day ay ku dooneyso in ay ku cirib tirto kooxdaan xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay iska horimaadku uu ka dhacay meel ku dhow magaalada Rab Dhure ee koonfurta-galbeed ee Soomaaliya halka oo qiyaastii20 kiiloo mitir u jirta xadka Itoobiya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More