Itoobiya oo war cusub kasoo saartay halka uu marayo isafagaradkii Somaliland

Jun 28(Jowhar.com)-Sida la aamminsan yahay khilaafka ka dhex taagan dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa xuddun u ah isfahan ay Itoobiya la gaadhay Somaliland bilowgii sanadkan.

Is af-garadka oo Itoobiya u oggolaanaya in ay xeebaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka hesho dekad iyo saldhig ciidan ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo dhaqangelin.

BBC-da ayaa weyddiisay afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla halka uu marayo isafgaradka iyo goorta loo beddeli doono heshiis rasmi ah.

“Arrintaasi waxba hadda kaaga ma sheegi karo. Laakiin, dabcan maalmaha soo socda wax waan ka dhihi doonnaa, marka wakhtigiisa la gaadho waan shaacin doonnaa,” ayuu yidhi Nebiyu Tedla.

Dawladda Soomaaliya ayaa xilli sii horraysay amartay in la xidho qunsuliydaha Itoobiya ee ku yaalla Hargaysa iyo Garoowe balse afahayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ay qunsuliyadaha ku yaalla magaalooyinkaasi ay weli shaqaynayaan.

“Isafagaradku halka uu marayo waan ogaan doonaa. Laakiin hadda waxa aan kuu sheegi karaa in danjirahayagii Soomaaliya aanu hadda joogin Muqdisho oo shaqo kale loo egmaday. Safaaraddu way furan tahay. Lama xidhin. Diblumaasiyiinteennu way shaqaynayaan. Safiirkeenna wada tashi ayuu u yimid Addis Ababa. Wakhti xaadirkanna dhinacaas safiir uma diraynno,” ayaa uu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Xilli sii horraysay oo Arbacadii ah xafiiska raysal wsaaraha Itoobiya ayaa beeniyay warqad wadata sumadda xafiiskiisa oo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaysa in Itoobiya ka noqotay is af-garadkii ay la gaadhay Somaliland. Qoraalkan ayaa lagu yidhi ‘Xafiiska Rayasl wasaaruhu waxa bulshada uga digayaa xogaha hadda la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan is af-garadkii Somaliland.’

Xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex oogan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kor u sii kacaysay muddooyinkii u dambeeyay. Muranka la xidhiidh is af-garadka ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya oo bar-bilow u ah khilaafka labada dal iyo qorshaha bixitaanka ciidamadda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan weli xal rasmi ah loo helin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More