Jaaliyadda Soomaalida UK oo soo wajahday cabsi kadib dilkii xildhibaan UK ah

Jaaliyadda Soomaalida ku nool wadanka UK ayaa ka cabanaya hanjabaado loo geysanayo kadib dilkii Jimcihii la soo dhaafay xildhibaan ka tirsan xisbiga talada dalkaasi haya.

Dadka asalkoodu yahay Soomaali ee ku nool UK ayaa bilaabay inay ka hadlaan sidii ay uga gudbi lahaayeen xaalada adag ee soo wajahaday kadib markii muwaadin asalkiisu ahaa Soomaali balse ku dhashay UK lagu eedeeyay inuu diley xildhibaan Ingiriis ah.

Qaar ka mid ah somaalida ku nool UK ayaa waxaa loo soo direy fariino hanjabaado ah taasoo sii kordhisay cabsida soo wajahday Soomaalida ku nool UK.

Hoggaamiyayaasha jaaliyadda ayaa ka wacyi galinaya Soomaalida qaabkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii lacalla booliisku ay la kulmaan ama su’aallo in la weeydiiyo loo baahdo.

Dilka Xildhibaanka UK ayaa waxaa u xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Cali XarCali, dadiisuna tahay 25 sano jir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More