Jabuuti oo beenisay iney ku lug leedahay dagaalka ka socda Laascaanood
Feb. 25 (Jowhar.com)-Xili dhowanahan uu soo baxayay eedaymo loo jeedinayey dowlada Djibouti kuwaasi oo ahaa in ay ku lug leedahay dagalka ka socda Laascaanood ayaa waxaa arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay xukuumada dalkaasi.
Wasiiirka Maaliyadda Djibouti Ilyaas Muuse Dawaaleh ahna Afhayeenka xisbiga RPP ee hogamiya Djibouti oo la hadlay VOA ayaa ka dalbaday dadka Djibouti ku eedaynaya ku lug lahaanshaha dagaalka in ay caddaymo cad keenaan.
Waxa uu timamay ciidanka kaliya ee Djibouti hubkeeda haysta ee ku sugan Soomaaliya in uu yahay Ciidanka Hiil Walaal ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaasoo ku sugan deegaano kamid ah Hirshabelle iyo Galmudug.
Si kastaba, Isimada dhaqanka gobolka Sool ee hormuudka u ah dagaalka magaalada Laascaanood ayaa hore u sheegay in dowladda Djibouti ay door muuqata ku leedahay dagaalka, iyadoo taageero siineysa ciidanka Somaliland.
Dagaalka Laascaanood oo galay maalinkiisii 20-aad oo xiriir ah ayaa maanta waxa uu ahaa mid kamida maalmihii ugu cuslaa ee dagaalka, iyadoo gaadiid dagaal looga qabsaday ciidanka Somaliland, hub fara badanna looga furtay.