Jadwalka qabashada Doorashada 13 kursi ee ka dhacaysa Baraawe oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 13ka kursi ee ugu dambeeya kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 14ka bishan iyo 15ka bishan oo ku beegan Arbacada iyo Khamiista soo socota la qaban doono doorashada 13 kursi ee ah kuwa ugu dambeeya ee lagu qabanayo magaalada Baraawe.

Doorashada Golaha Shacabka oo ay ka harsan tahay 14 cisho ayaa waxaa si xowli ah ay uga socotaa maamulka Koofurgalbeed halka maamulada Jubbaland iyo Puntland aysan ka dhicin wax doorasho ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More