James Swan oo soo dhoweeyay dadaalka Madaxda Dowlad Goboleedyada

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay kulamada ay yeelanayaan madaxda dowlad goboleedyada kuwaasoo lagu doonayo in xal loogaga gaaro khilaafka doorashooyinka.

James Swan waxa uu soo dhaweeyay dadaalada la xiriira xal ka gaarista khilaafka doorashooyinka oo ay Muqdisho ka wadaan Madaxda dowlad Goboleedyada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”- ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan,

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jireen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida six al looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Safiirka dowlada Ingriiska ee dalka Soomaaliya Kate Foster ayaa soo dhaweysay wada hadalada u dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana ay ku boorisay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in ay sii wadaan wada hadalka iyada oo laga duulaayo heshiiskii 17 September.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More