Jarmalka oo xiray 25 qof oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen afgambi

Dec. 07 (Jowhar.com) -25 ruux ayaa lagu xiray hawlgallo ka dhacay guud ahaan dalka Jarmalka, kuwaas oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen afgembi ay ku ridaan dowladda Jarmalka.

Kooxdan xagjirka ah iyo kuwa hore ee militariga ayaa la sheegay inay isku diyaariyeen inay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka, Reichstag, ayna la wareegaan awoodda.

Dadkan abaabulayay afgambiga ayaa la sheegay in ay ku jiraan xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa xagjirka ah ee Reichsbürger, kuwaas oo in muddo ah ay indhaha ku hayeen booliiska Jarmalka.

Koxdan ayaa waxay diidan yihiin inay aqoonsadaan dawladda Jarmalka ee casriga ah.
Tuhmaneyaal kale ayaa ka yimid dhaqdhaqaaqa “QAnon” oo aaminsan in waddankoodu uu ku jiro gacanta dawlad kale.

Qiyaastii 50 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen kooxda, waxaana la sheegay inay maleegayeen inay afgembiyaan jamhuuriyadda oo ay ku beddelaan dawlad cusub oo u qaabaysan Jarmalkii 1871-kii – boqortooyo la odhan jiray Reich Labaad.

“Weli magac uma hayno kooxdan,” ayay tiri afhayeen u hadashay xafiiska xeer ilaalinta federaalka.
Saddex kun oo sarkaal ayaa ka qeyb qaatay 130 weerar oo ka dhacay dalka intiisa badan, iyadoo labo qof lagu xiray dalalka Austria iyo Talyaaniga.

In ka badan 3,000 oo booliis ah ayaa ka qayb qaatay weeraradii lagu qaaday 130 guri oo ku yaala Jarmalka
Wasiirka cadaalada Marco Buschmann ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in hawlgal wayn oo ka dhan ah argagixisadu uu socdo.

Xafiiska dacwad oogaha federaalka ayaa sheegay in kooxdu ay maleegayeen afgambi rabshado wata ilaa Noofambar 2021.

“Waxay mar hore dejiyeen qorshayaal ay ku xukumayaan Jarmalka oo leh waaxyo daboolaya caafimaadka, caddaaladda iyo Arrimaha Dibadda,” ayuu yiri dacwad oogaha.

Heinrich XIII oo ka mid ah dadka lagu tuhmayo inay horkacayeen afgambiga ayaa ka soo jeedaa qoys hore oo sharaf leh oo loo yaqaan House of Reuss, kaas oo xukumay qaybo ka mid ah gobolka bari ee casriga ah ee Thuringia ilaa 1918. Dhammaan xubnaha qoyska ee labka ah waxaa loo bixiyay magaca Heinrich iyo sidoo kale tiro.

Dhowr weerar ayaa lala xiriiriyay jarmalka midigta fog sanadihii u dambeeyay. Sannadkii 2020-kii, nin 43 jir ah ayaa sagaal qof oo asal ahaan ka soo jeeda ajaanib ku toogtay galbeedka magaalada Hanau, xubin ka tirsan Reichsbürger ayaa isna xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu nin booliis ah dilay sannadkii 2016-kii.

Dhaqdhaqaaqa Reichsbürger waxaa lagu qiyaasaa inuu leeyahay ilaa 21,000 oo raacsan, kuwaas oo ku dhawaad ​​5% loo arko inay ka tirsan yihiin kuwa midigta fog.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More