Jen Indha Qarshe “ Wasiirka Gaashaandhiga furinta dagaalka lagama rabo,howlo badan oo laga rabay ayaa baaqanaya”
Sep 19 (Jowhar.com)- Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa ka hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, halkaasoo dhul balaaran kooxda laga sifeeyay.
Jeneraalka ayaa is dultaagay sida uu hada dagaalka u socdo, isagoo walaac ka muujiyay in Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Jaamac uu ku sugnaado furimaha hore ee dagaalka, wuxuuna talo ahaan soo jeediyay in saraakiisha ciidanka loo daayo hagida iyo hoggaaminta ciidanka.
“Wasiirka Gaashaandhiga loogama baahna furinta dagaalkka howlo badan oo laga rabay ayaa baaqanaya, taasi sax maaha, taliyaha xoogga dalka ayaan laga rabin xitaa furinta inuu tago, furinta rag baa u jooga taliye horin baa jooga, taliye guuto ayaa jooga” ayuu yiri Jeneraalka oo u waramay Brit Somali TV.
Jeneraal Indha Qarshe oo laba jeer oo hore soo noqday taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tilmaamay in si Shabaab looga adkaado loo baahan yahay in howsha dagaalka loo daayo saraakiisha deegaanka taqaana oo aysan taliyayaasha kale raacin, maadaama kala amar qaadashadii ay lumeyso.
“ Kala amar qadaashadii ayaa meesha ka baxeyso isku xirnaantii cidnaka ayaa lumeysa, qof walba shaqadiisa haloo daayo oo yaan lagu fara gelin”
Hadalka Jeneraalka ayaa kusoo beegmeyso xili shalay madaxweyne Xasan Sheekh uu taliyayaal cusub u magacaabay xilalka taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta, iyadoo saraakiishii hore loo eryay lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.