Jen. Odowaa oo sheegay inuu socdo baarista qarixii Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnac.

Nov. 06 (Jowhar.com) -Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa si kulul uga hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay xerada Dhega badan Ex-Warshada Nac nac, halkaasoo dad badan ay ku dhinteen.

Jeneraal Odowaa ayaa xaqiijiyay in qofka is qarxiyay damiciisu ahaa in uu ku dhex dhuunto dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laakiin uu qarxay inta uusan gaarin bartilmaameedkii uu u socday.

Waxa uu hadalkiisa kusii daray in uu socdo baaritaan xooggan si looga hortago weerarada Al-Shabaab, xilli meelo badan oo dalka ah ay Al-Shabaab ku wajahayaan dagaalo kaga imaanaya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka.

Qaraxa Ismiidaaminta waxaa ku dhintay 15 ruux oo u badnaa dhalinyaro ciidanimo qoraneysay, iyadoo Shabaab ay sheegteen masuuliyada weerarkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More