Jen. Sheegow iyo askartii lala soo qabtay oo manata maxkamad lahor geynayo.

Oct 26 (Jowhar.com)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilaabeyso dhageysiga kiis dacwadeedka loo heysto Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo mudo dhowr bilood ah u xiran dowladda Soomaaliya.

Sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, Sheegow waxaa maanta maxkaada lala horkeeni doono qaar kamid ah askartii lala soo qabtay, iyadoo maxkamada laga hor akhrin doono danbiyada ninkan loo heysto iyo kahsaaraha dagaalkii ka dhacay guriga uu ka dagnaa caasimadda markii lasoo qabanyay.

Eeedaha uu wajahayo sarkaalkan ayaa waxaa kamid ah inuu ka dhaga adeegay amar ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu soo dhiibo ciidamo ka tirsan kuwiisa oo lagu eedeeyay inay dhac baasan ka gaysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa eedaha kamid ah dagaalkii uu ninkan la galay ciidamada amniga, maadaama uu qaatay ku dhawaad 5 saacadood, uuna gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Abukaate Cali Xalane oo kamid ah qareenada difaacayay ninkan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney ku raja weyn yihiin in kiiska uu si cadaalad ah kusoo dhamaado, isagoo shaaciyay iney maxkamada kahor sheegi doonaan in jeneraalka aaney wax danbi ah leheyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More