Jen. Xijaar oo walaac ka muujiyay dil si joogta ah loogu geysto askarta dowladda

April 21 (Jowhar.com) -Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay falalka amni daro ee habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Xijaar oo suxufiyiinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in amni darada dhibaatadeeda aysan ku koobneyn oo kaliya shacabka, isagoo tilmaamay in habeen kasta magaaladan lagu dilo askar gaareysa laba ilaa saddex sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in ciidamadda ay yihiin kuwo gacmaha ka xiran oo hadii danbiilaha ay dileen eedeyn loo jeedinayo booliska oo la leeyahay askari ciidan ayaa wax dilay.

“habeenkii ay ugu yar tahay labo illaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada booliiska ayaa la dila, haddii Booliisku xabada kala hormaro ay dilaan tuugga, waxaa magaalada oo dhan la isla dhex marayaa Booliiska ayaa qof dilay. Taleefano dhacayay, Baabuur buu dhacayay, haddii aad u tagna xabad buu kugu ridaya” ayuu yiri taliye Xijaar.

Dhibaatada ugu badan ee laga cabanayo oo ka taagan degmooyinka Dharkiinkeey iyo Kaaraan ayaa ah “Ciyaal Weero” oo habeen dhac, dil,Kufsi iyo burbur hantiyadeed maara looga la’yahay, walow ay socdaan howlgallo arrimhaasi ka dhan ay oo hay’adaha amniga ay wadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More