Jubaland oo 47 Shabaab ah ku dishay gobolka Jubbada Hoose

Aug 27 (Jowhar.com)-Iska hor imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac geestay ayaa ka dhacay duleedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka Labi Kuus oo dhaca Galbeedka Kismaayo illaa lixdan kiiloo mitir u jirta Kismaayo waxana ku Dagaalamay Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Jubbaland iyo Kooxda Shabaab.

Ciidamada ayaa weeraray fariisin ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaankaasi.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidanka Kumaandooska Danab ay ku dileen ilaa 47 xubnood oo ka mid ah dagaalyahanada kooxda Al-shabaab, sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay taliyaha Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed.

Ciidanka kumaandooska danab gaar ahaan Ururka 5-aad ayaa howlgallo sifayn ah kawada gobolka Jubadda hoose , howlgaladdas waxaa  dhulka howdka ah looga saarayo khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa si looga hortago dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka soomaaliyeed” ayuu yiri Taliye Carab Dheeg Axmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More