Jubaland oo ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

April 21 (Jowhar.com) – Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubaland waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga maamulka Jubaland Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal.

Sidoo kale waxa ay Wasaarada amniga halkaasi gaysay Ciidamada Jubaland qeybahooda kala duwan si ay qeyb uga qaatan sugida amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.

Ceelwaaq ayaa lagu qabanayaa doorashada 16 kursi oo hore u yeelay magaalada Garbahaareey, walow looga soo wareejiyay kadib markii ay halkaasi tagi waayeen guddiga doorashada Jubaland iyo midka federaalka.

Maalmaha soo socda ayaa la qorsheynayaa in halkaasi lagu qabto doorashada mudanayaashan, qorshaha ayaa ah in kuraastaasi la doorto kahor inta aan la aadin doorashada gudoomiyaha golaha shacabka ee loo balansan yahah 27-ka bishan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili dhinaca kalena ay magaalada Garbahaareey olole doorasho ay ka wadaan xubno kamid ah guddiga doorashada iyo midka xalinta khilaafaadja garabkooda ku diran Villa Soomaaliya, iyadoo ay u badan tahay in la awoonsan doono xubnaha lagu soo dooranayo Ceelwaaq.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More