Jubaland oo shaacisay cida Shabaab kala shaqeysay dilka taliyihii NISA ee Gedo.

Dec. 16 (Jowhar.com)-Maamulka Jubaland ayaa shaki badan ka muujiyay in Shabaab kaliya ay ku kooban tahay dilka taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee gobolka Gedo Bakaal Kooke oo dhawaan lagu dilay qarax loo galiyay gudaha gaarigiisa, xili uu marayay inta u dhexeysa magaalooyinka Luuq iyo Dooloow.

Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa hay’ada NISA ka dalbaday iney baaritaano deg deg ah ku sameyso kiiskan, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeyneynin danaha gobolka Gedo iyo sarkaalka la dilay.

“Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Si kastaba, Jeneraal Dhuumaal si rasmi ah ma u shaacin cida uu tuhmayo, balse marxuum Bakaal Kooke waxa uu waayihii danbe khilaaf culus kala dhexeeyay gudoomiyaha gobolka Gedo, waxaana dhawaan khilaafkooda xalisay dowladda Itoobiya oo madal isugu keentay labadaasi mas’uul.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More