Monday, February 16, 2026
Home NEWS Jubbaland “Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana iney tagaan Villa Somalia”

Jubbaland “Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana iney tagaan Villa Somalia”

2

Feb 16(Jowhar)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa ka hadlay hadal uu hore u jeediyay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya, isagoo caddeeyay mowqifka Jubbaland ee ku aaddan suuragalnimqda iney tagaan Villa Soomaaliya.

Cabdifataax Mukhtaar wuxuu sheegay in madaxda Puntland iyo Jubbaland aysan ku qasbanayn inay tagaan Villa Somalia si loogu qabto shirka ay u joogaan magaalada Muqdisho.

“Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tagaan Madaxtooyada Soomaaliya. Waxaan Muqdisho u nimid inaan Soomaaliya badbaadino,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Waxa ui tilmaamay ineysan magaaladan meel ugaga socon oo ay kusii nagaanayaan ilaa laga qabto shirka dowladda iyo mucaaradka ee looga hadlayo doorashooyinka iyo wax ka bedelkii lagu sameeyay Dastuurka.