Ka ganacsiga agabka gargaarka bani’aadanimo lagu keeno Soomaliya oo la mamnuucay

Sep 20 (Jowhar.com)-Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa caawa soo saaray go’aan Mamnuucaya in laga ganacsado Gargaarka Bini-aadanimo ee Dalka la keeno,si looga hortago in la Masuq-Maasuqo.

Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro dhamaan badeecadaha lagu keeno gargaarka sida cuntada,daawada iyo qalabka loo isticmaalo hoyga.

“Sababtoo ah, Gar-gaarku wuxuu waxtar mug leh oo leeyahay badbaadinta nafta dadka nugul, sida Barakacayaasha, Caruurta nafaqa daradu heyso, iyo Hooyooyinka. In kasta oo Dawladda Soomalia ay hore u cadeysay ineysan qeyb ka aheyn Gar- gaarka la sheegay in lalunsaday, hadana Dawladu waxey mar walba ku boorineysaa dhammaan Bahda Gar-gaarka Beni’aadenimada ka shaqysa, haddey Soomaali yihiin iyo haddii aysan aheynba in leexsiga Gar-gaarka Beni’aadanimadu uu yahay ficil an sinaba loogu dul qaada karin.”ayaa lagu yiri qoraalka laga soo saaray ka ganacsiga waxyaabaha lagu keeno gargaarka bani’aadanimo.

Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gargaarka ayaa looga digey iibinta alaabta gargaarka iyadoo la sheegay in lala tiigsan doonaa Hay’adaha ku shaqada leh sida Police-ka si ay uga qaadaan talaaba deg deg ah oo sharciga waafaqsan.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya maalmo kooban kadib markii Midowga Yurub uu si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, sida laga soo xigtey sarkaal ka tirsan Midowga Yurub.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More