Kenya Airways oo bilowday duullimaadyo xamuul oo toos ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka

Feb 09 (Jowhar.com)-Diyaaradda Kenya Airways ayaa si toos ah u bilowday in ay isaga kala gooshto magaalada Sharjah ee dalka Imaaraatka Carabta iyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana maanta ka soo degtey garoonka Aden Cadde diyaaradii ugu horeysay ee Kenya Airways muddo labo sano kadib.

Shirkaddu waxay bilawday duulimaad toddobaadle ah oo dhaqan gashay Jimcaha, Febraayo 9, iyada oo qorshaheedu yahay inuu noqdo laba jeer toddobaadkiiba bisha Abriil.

Kannan Nachiappan, oo ah madaxa fulinta ee Global GSA Cargo, ayaa sheegay in duullimaadyada tooska ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ay dhimi doonaan waqtiga ay ku safraan, ayna dhimi doonaan kharashaadka.

Kenya Airways waxay sheegtay inay sidoo kale dib u bilaabi doonto duullimaadyada tooska ah ee rakaabka ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho laga bilaabo Febraayo 15, 2024.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweysay duulimaadka xamuulka ah ee ay shirkada Kenya Airways ay bilowday.

“Waxaan ku soo dhaweynaynaa Kenya Airways garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.”ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan.

Shirkada Kenya Airways ayaa hore u iman jirtey magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa ay joojisay kadib markii xiriirka Soomaaliya iyo kenya uu xumaaday xilligii uu madaxweyne dalka Soomaaliya ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More