Kenya oo 4 maalin gudeheed kudhowaad 2 Milyan Dollar ka faa’iday Qaadka ay Somaliya .

August 01 (Jowhar.com)-Kenya ayaa Soomaaliya u soo dhoofisey afartii maalmood ee la soo dhaafay qaad qiimihiisu dhan yahay 2 milyan oo dollar, sidaas waxaa baahisay Warbaahinta Nation TV.

Sida warbixintan cusub lagu sheegay, magaalada Caasinadda ah ee Muqdisho waxaa la keenay 81.4tan -tan iyo markii suuqa sib loo furay toddobaadkii hore.

Waxaa la qiyaasayaa wax ka badan 30 milyan oo dollar in uu gaaro dabayaaqada bishan dhaqaalaha ay qaadka ka helayso dowladda Kenya, iyadoo aan wali bilaaban dhoofka kaluunka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa heshiiska.

Si kastaba, Heshiis uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh 15-ka bishii hore ee July la gaaray dhiggiisa Kenya Kenyatta ayaa dib loogu furay qaadka Kenya, kaasoo muddo ka badan labo sanno dalka laga mamnuucay,kadib muran soo kala dhex galay dowladii Farmaajo iyo tan Uhuro Kenyatta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More