Kenya oo dib u dhigtay furitaanka xadka Soomaaliya

July. 06 (Jowhar.com)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dib u dhac ku sameyneyso dib u furista xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib weeraro ka dhacay dalkeeda oo ay ku sheegtay inay ka danbeeyeen ururka Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki ayaa sheegay in dib u furista xarumaha xuduudaha ee ku teedsan xuduudka dheer aysan dhici doonin sidii lagu dhawaaqay bishii May.

Waxa uu sheegay in go’aankan ay ku wargeliyeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee hanjabaadaha iyo falalka amni darro ee ka dhacay gobollada xuduudaha.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo shan qof oo rayid ah iyo siddeed boolis ah lagu dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay meel u dhow xuduudda bishii hore.

Xaduuda ayaa markii hore la xiray sanadkii 2011-kii, waxaana sabab u ahaa weeraro Al-Shabaab, oo Muqdisho ka waday falal ka dhan ah dowladda dhexe.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Kenya dhowr todobaad gudahood ay bilaabi doonto isdhexgalka qaxootiga ku sugnaa xeryaha, taasoo qeyb ka ah qaab cusub oo loo maareynayo.

Waxa uu sheegay in nidaamka cusub uu u ogolaan doono mas’uuliyiinta in ay meesha ka saaraan “wakiilada argagixisada iyo dembiilayaasha ka faa’iideysanaya goobaha qaxootiga ee la heli karo si ay u dhibaateeyaan bulshooyinka martida loo yahay”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More