Kenya oo dishay 5 Shabaab ah, lana wareegtay qaraxyo ay sameynayeen
Sep 14 (Jowhar.com)-Ciidamada Kenya ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab u isticmaasho sameynta walxaha qarxa ee lagu aaso waddooyinka muhiimka ah ee Gaarisa iyo degmada Lamu, si loogu bartilmaameesado ciidanka amniga.
Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Xarboole-Faafi waxaa lagu dilay Shan xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaa sidoo kale jira xubno dhaawac ah, sida laga soo xigtay saraakiisha laamaha amniga dalkaasi Kenya.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan waxaa sidoo kale lagu soo furtay Walxaha Qarxayada laga sameeyo, dawooyin iyo agabyo kale duwan oo kooxdan la weeraray halkaasi ay ku heysteen, waxaa la tuhunsan yahay in goobtan ay u eheyd xarunta keydka Saadka Shabaabka ka dagaalama gobolka waqooyi bari Kenya.
Dowladda Kenya ayaa ku amaantay shacabka deegaanka oo siisay xogta xubnahan Shabaabka ah ee waday abaabulka weeraro qaraxyo ah oo ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ka howlgala inta u dhexeysa gobolka Waqooyi bari Kenya iyo Lamu.