Kenya oo duqeymo culus ka fulisay deegaano kamid ah gobolka Gedo.

June 15 (Jowhar.com)-Warar dheerad ah ayaa ka soo baxeysa duqeymo culus oo diyaaaradaha dagaalka wadanka Kenya ay ka fyliyeen deegaano kamid ah gobolka Gedo, iyadoo duqeynta ay dhalisay khasaare lixaad leh.

Deegaanada duqeymaha lala eegtay waxaa kamid ah; degaannada likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel-cadde, waxaana jira warar sheegaya in xoolo badan lagu dilay weeraradan dhinaca cirka ah, sidoo kale khasaaraha shacabka uu ku kooban yahay dhaawacyo, walow qaarkood xaaladooda laga deyrinayo.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay Shabaab joogin goobaha diyaaradaha Kenyanka ah ay beegsadeen, iyagoo arintanna ku micneeyay iney qeyb ka tahay daandaansiga ay xukuunadda Nairobi ku heyso arrimaha gudaha ee dalkan.

Weerarkan ayaa ku soo aaday saacado kadib markii safiirka Soomaaliya ee Kenya Tarsan uu shalay isaga baxay shir uu madaxweynaha Kenya la lahaa safiirada wadankiisa ku sugan, iyadoo Tarsan uu madasha lagu casuumay ku arkay qof metelayay Somaliland oo Calankooda watay, taasoo dhaawaceysa madaxbanaanida qaraninmada wadankan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More