Kenya oo sheegtay inay dib u bilaabayso dhoofinta Jaadka ee dalka Soomaaliya

June 10 (Jowhar.com)-Wasiirka Beeraha dowlada Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Mr Munya ayaa sheegay in wadahadal lagu soo gunaanadayo xayiraadka qaadka ee saaran dalka Kenya dhawaan la qaban doono isla markaana la saxiixi doono heshiis rasmi ah oo Kenya ay dib ugu bilaabayso dhoofinta qaadka ka baxa dalkeeda.

Peter Munya ayaa sheegay maxadweyne Kenyatta uu kala hadlay xayiraada saaran qaadka Kenya dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Munya ayaa ugu baaqay ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madamaa loo furi doono suuqa Soomaaliya.
Waxana uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunkeeda ay u suuqgeyso Kenya,isla markaana loo fududeyn doono dal-ku-galka Soomaalida Imaneysa Kenya.

Dowladdii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan la qaadin iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More