Kenya oo sheegtay inay fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u fureyso xudduudka ay la wadaagto Soomaaliya oo muddo dhowr bilood ah xirneyd.

Hase yeeshee waxa ay dowlada Kenya walaac ka muujisay in kooxda Al-Shabaab ay badeecado shar-cidarro ah dalkaasi soo galiyaan oo ay ka helaan dhaqaale.

Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa diyaariyay qorshaha lagu furayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Magaalada Mandheera ayaa noqon doonta meesha u horreysa ee dib looga furayo xadka.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dib loo furo goobo kale oo ka mid ah xadka labada dal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More