Kenya oo sheegtay inaysan aqoonsan doonin xukunka kiiska dacwada Badda ee ICJ

Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin xukunka Kiiska Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee la filayo in maalmo kaddib lagu dhawaaqo.Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha  dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin xukunka kiiska badda ee hadda ka dhanka ah Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in maxkamaddu aysan lahayn awood ay ku go’aamiso muranka ayna si cad ugu eexatay Soomaaliya.

Xukunkan ayaa la filayaa inuu soo afjaro dacwadii badda ee todobada sano ahayd ee ay Soomaaliya u gudbisay ICJ sannadkii 2014-kii.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Kenya ayaa waxay ka baxday dacwadda ICJ bishii Maarso ee sannadkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More